Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama oo la Caleemo-saarey


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta meel fagaare ah loogu dhaariyey xilka madaxweynaha isagoo markii labaad hogaamin doona dalka Maraykanka.

Boqolaal kun oo dad ah ayaa isugu soo baxay maanta oo Isniin ah fagaaraha loo yaqaano National Mall ee magaaladan Washington. Madaxweynaha oo uu dhaaariyey madaxa cadaalada ee Maraykanka John Roberts ayaa waxa u sacaba tumay boqolaal kun oo Mareykan ah kuwaasi oo fagaaraha isugu soo baxay, waxa ayna ruxayey calanka Maraykanka.

Madaxweyne Obama ayaa balanqaaday inuu inta awooddiisa ah ilaalin doono isla-markaana uu difaaci doono dastuurka dalka.

Goor hore oo maanta aheyd ayaa Mr. Obama waxa uu cibaadeysi ahaan u tagay kaniisad ku taalla magaalada Washington, deetana waxa uu aaday dhinaca galbeed ee Aqalka Capitol Hill, halkaas oo si rasmi ah dadka hortooda loogu dhaariyey.

Dadka isugu soo baxay fagaaraha National Mall ayaa waxaa lagu qiyaasay inay kor u dhaafeen (800,000) sideed boqoloo kun oo qof, dadka fagaaraha hareeyey ayaa waxa ay ruxayeen calanka Maraykanka, iyagoo goob joog ka ahaa xafladda caleema saarka Madaxweyne Obama. Sanadkan ayaa tirade ka soo qeyb gashay xafladda caleemasaarka waxay ka yareyd tiradii dadkii isugu yimid xafladdii sanadkii 2009kii ee Obama xafiiska loogu dhaariyey, iyadoo tirada waqtigaas isu soo baxdayna lagu qiyaasay inay aheyd ku dhawaad laba milyan oo qof.
XS
SM
MD
LG