Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wariye Lagu Dilay Magaalada Muqdisho


Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay maanta oo jimce ah wariye Cabdixareed Cismaan Aadan oo ka tirsanaa idaacadda Shabeelle.

Maamulka idaacadda ayaa sheegay in wariyaha ay niman hubaysan tookteen saaka isaga oo shaqadiisa u socda.

Waa wariyhii u horeeyay ee Somalia lagu dilo sannadkan cusub ee 2013, iyada oo Soomaalyia loo aqoonsaday goobta ugu halis badan ee warbaahinta caalamka.
Ku dhawaad labaatan saxafi ayaa lagu dilay Somalia sanaddkii hore .

Idaacadda Radio Shabeelle oo wariyayaal hore laga dilay ayaa ku tilmaantay suuxfiga maanta la dilay in uu ahaa hawlkar. Sidoo kale waxaa maamulka idaacaddu ay ugu baaqeen dawladdu in ay ku dadaasho sidii loo suurtaglin lahaa in ay warbaahintu hesho nabadgaliyo ay hawsheeda ku gudan karto

Warbixin ka hadleysa dilka Wariye Cabdixareed Cismaan oo ay Muqdisho nooga soo dirtay Saynab Abuukar halka hoose ka dhaageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:25 0:00
XS
SM
MD
LG