Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Aqoonsaday Dowladda Somalia


Madaxweyne Xasan iyo Xoghaye Hillary
Madaxweyne Xasan iyo Xoghaye Hillary
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay labada wadan u bilowday waa cusub iyo xiriir cusub oo dhinaca diplomaasiyadda ah, markii ugu horeysay muddo 20 sanadood ka badan.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton ayaa hadalkan ku dhawaaqday, ka dib kulan ay Washington kula yeelatay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud maanta oo Khamiis ah.

Shir Ja’raid oo ay si wada jir u qabteen kulankooda ka dib ayey Mrs. Clinton ka sheegtay in dowladda Mareykanka ay hadda wixii ka dambeeya dhageysan doonto ulana macaamili doonto Soomaalia, sidii laba dowladood oo xur ah oo uu xiriir wanaagsan oo saaxibtinimo uu ka dhaxeeyo.

Mar ay VOA-du weydiisay Mrs.Clinton, waxay dowladda Mareykanka ay ka yeeleyso, siyaasadii laba geesoodka aheyd ee ay kula macaamileysay dowladda Soomaaliya iyo maamulada kale ee dalka ka jira ayey ku jawaabtay in waqtigaa laga soo gudbay soomaaliyana uu u baryay waa cusub, dowlad rasmi ahna ay u dhalatay, taasoo loga fadhiyo wax ka qabashada mustaqbal dadkeeda, mareykankana uu ku taageerayo.

Wareysi ay VOAda la yeelatay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud ayuu sidoo kale ku sheegay, in aqoonsiga dowladda Mareykanka ee dowladiisa ay tahay talaabo horey loo qaaday oo si guud wax ka tareysa horumarka diplomaasiyadeed ee dowladda iyo Shacabka Sooomaaliyeed.

Kulanka ay maanta oo Khamiis ah yeesheen Mrs. Clinton kyo Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan tan iyo markii loo doortay madaxweynenimada sanadkii la soo dhaafay.
XS
SM
MD
LG