Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Aqoonsanaya Dawladda Somalia


Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu si rasmi ah u aqoonsan doono dawladda Somalia, iyaga oo xiriirka dimblomaasi oo rasmi ahi uu markii ugu horeysay si rasmi ah ugu bilaaban doono ilaa markii kooxo hubaysani ay soo rideen labo helicopter oo Maraykanku lahaa sanadkii 1993dii.


Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Johnnie Carson ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda dalka Maraykanka booqahso ku jooga iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton ay isweydaarsan doonaan qoraalo dimblomaasiyadeed Khamiista maanta ah si ay u caddeeyaan xiriirka cusub.

Mr. Carson ayaa sheegay in dawladda cusubi ay horumar muuqda ka sameysay dejinta dalka iyo ka guul helidda ururka Islaamiga ah ee al-Shabab.

Xoogagga Midowga Afrika iyo kuwa Soomaalida ayaa magaalooyinka waaweyn ka saaray dagaalyahaniinta Alshabab, hase yeeshee, ururku waxa uu wali maamulaa dhul balaaran oo ka mid ah dalka Somalia.

Carson ayaa sheegay in xiriirka Maraykanka iyo Somalia uuna wali u dhaweyn sidii uu ahaa markii kooxihii hubeysnaa ay soo rideen dayuuradihii Maraykanka sanadkii 1993kii.
XS
SM
MD
LG