Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Labada Sudan oo Addis Ababa ku Heshiiyey


Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika Thabo Mbeki ayaa sheegay in madaxweynayaasha labada dal ku heshiiyeen in la fuliyo heshiisyada labada dal horay u dhex maray

Dalalka Sudan iyo Suudaanta Koonfureed ayaa isku raacay in ay bilaabaan dhaqan galinta dhammaan waxyaabihii lagu heshiiyey ee aan la fulin. Heshiiskaas ayaa la sheegay in horay loo bilaabayo. Labada dal ayaa shir labo maalmood socday kaga wada hadlay dhamaan waxyaabaha muranku ka taagan yahay.

Madaxweyne Cumar Xasan al-Bashiirka Sudan iyo Madaxweyne Salva Kiirka Suudaanta Koonfureed ayaa Sabtidii shalay soo dhameeyey kulankoodii labad maalmood uga socday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika, horayna u ahaa Madaxweynihii Afrikada Koonfureed Thabo Mbeki ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka wada doodaan arrinta gobolka Abyei, ta amniga, calaamadeynta xuduudaha, iyo dhaqan galinta heshiisyadii horey loo gaarey.

Sida ay noqon doonto Abyei waxa la go’aamin doonaa marka arrimahaas la isla meel dhigo.

Hanaan lagu mideysan yahay oo dhinacyada siyaasadda iyo amniga ah, loona soo gaabiyo JPSM ayaa bishan January dhexdeeda diyaarin doona xiliyo la dhaqan galiyo waxyaabihii lagu heshiiyey. Ma cadda wax dhici doona haddii waxyaabaha lagu heshiiyey xiliyadii loo qabtay lagu fulin waayo.

Mr. ayaa sheegay in JPSM ay sidoo kale isku soo dubba ridi doonto calaamadeynta xuduudda laba dal. Koox khubaro ah ayaa ka shaqeyn doona sidii xal looga gaari lahaa goobaha lagu muransan yahay.


Dalka Suudaanta Koonfureed ayaa caddeeyey ka dib kulankii koowaad ee labada dhinac yeeshaan in ay iyagu soo jeedinayaan garsoorid caalami ah haddii labada dhinac ay iskood ugu heshiin waayaan arrinta goobahaas lagu muransan yahay. Go’aanka arrintan waxa la qaadan doonaa oo kaliya ka dib marka kooxdaas loo xil saaray ay go’aamo kama dambeys ah soo saarto.

Suudaanta Koonfureed ayaa dalka Sudan intii kale ka go’day sanadkii 2011kii ka dib heshiis nabadeed oo soo afjaray dagaalo tobaneeyo sanadood socday. Labada waddan ayaa muran joogta ah ku jiray ilaa xiligii kala go’a. Arrintan ayaa keentay in sanadkii hore Sudanta Koonfureed ay joojiso saladii dhinacooda ka imanaysay, saliidaas oo labada dalba u ahayd il uu dakhli wanaagsani kasoo galo. Heshiisyada dhinaca saliidda ayaa ka mid noqon doona heshiisyada hadda jira ee dhaqan glainta sugaya.

Mr. Mbeki ayaa sheegay in heshiisyada saliidda aan iyaga si gaar ah looga doodin.

Ra'iisal Wasaaraha Ethiopia Hailameriam Desalegn ayaa labada madaxweyne ku marti qaaday kulan madaxeed aan caadi ahayn, xilli ciidanka qalabka sida ee Sudan ay xuduudaha soo buuxinayeen, halka Suudaanta Koonfureedna ay dalka ay deriska yihiin ku eedeynaysay in dagaal dhulka ah ay ku soo qaadayso xuduudaha dalkeeda.
XS
SM
MD
LG