Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabadhii lagu Kufsaday India oo Geeriyootay


Gabar Ardayad aheyd oo ay bishaan bilowgeedii kooxo Gangastiiriin ah Kufsi ugu gaysteen New Delhi ayaa ku geeriyootey isbitaalkii ay tiiley ee dalka Singapore.

War qoraal ah oo kasoo baxay isbitaalka ayaa lagu sheegay in haweenayda 23 ka ahayd ay dhimatay aroornimadii Sabtidan.

Raysalwasaraha dalka Hindia Manmohan Sing ayaa sheegay inuu aad uga murugooday dhimashada gabadhan ardayda ah, waxa uuna sheegay in dareenka carada leh ee ay arrinkan ka muujiyeen dadka dalkasi ku dhaqan uu yahay wax la fahmi karayo.

Maydka gabadhan ayaa lafilayaa in loo duuliyo isla maanta dalka India
.
New Dehli waxaa ruxay dibad-baxyo xooggan tan iyo markii uu dhacay weerarkan arxandarada ah. Masuuliyiinta New Dehli ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan dibadbaxyo horl eh ka dib geerida gabadhan

Haweenaydan ayaa markii uu dhacayey falka kufsiga ah ee loo gaystay waxaa ayada iyo koox rag kale ay ku wada safrayeen gaari bus ah 16-kii bishan caasimada dalkasi ee New Delhi, waxaana lix nin oo buska soo fuulay ay bilaabeen inay garaacaan gabadha dabeetana ay si isdaba joog ah u kufsadaan. Waxaa gaaray haweenayda dhaawacyo kaga dhacay maskaxda.

Lixda nin ee looga shakiga qabo dhacdadan ayaa waqtigan wajahaya Maxkamad
XS
SM
MD
LG