Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Libya: Soomaali ku Dhimatay Gaari lagu Tahriibinayey


In ka badan 16 tahriibayaal Somali ah ayaa ku dhinatay 32 kalena wey ku dhaawacmeen jimcihii shalay, ka dib Markii Shamiito saareyd gaari xamaaul oo lagu tahriibinayay ay ku soo duntay- gudaha dalka Libiya.

Somalidii ay dhawaacyada ka soo gaareen shilkaasi iyo meydadkii kuwii ku dhintay ayaa la geeyay cusbital ku yaala magaalada Triboli, halka dadkii ka badbaadayna loo taxaabay xabsiga.

Qadara Rashiid oo ka mid aheyd dadkii ka badbaaday shilkaasi oo lagu xiray xabsi ku yaala meel 60 KM u jirta caasimadda Libiya ee Tribuli, ayaa VOA uga warantay sida uu shilku u dhacay xaaladda sida ay tahay.

Wareysiyo ku saabsan dhimashada soomaalida la tahriibinayey iyo xaaladda kuwa ka badbaaday sida ay tahay halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:10:03 0:00
XS
SM
MD
LG