Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo lagu Dhawaaqay Xisbiyadda Siyaasadda


Hargeysa: Heshiiskii Ceel Bardaale oo la Saxiixay
Hargeysa: Heshiiskii Ceel Bardaale oo la Saxiixay

Guddida Diwaangalinta iyo Ansixinta Asxaabta ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay saddexda xisbi ee kuu Guulaystay Inay Noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee talada ku loolami doona 10-ka sano ee soo socota.

Guddida Diwaangalinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Somaliland ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay saddexda xisbi ee kuu Guulaystay Inay Noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee talada dalkaasi ku loolami doona 10-ka sano ee soo socota.

Guddiga ayaa arintaasi kaga dhawaaqay Munaasabad ka dhacday Hoteelka Maansoor Ee Magaalada Hargaysa, In sadex xisbi ay ka soo baxeen todoba xisbi oo u loolamayay inay u soo baxaan xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland.

Xisbiyada soo baxay ayaa kala ah: Xisbiga Kulmiye, xisbiga Wadani iyo Xisbiga Ucid

Afartii urur ee kale ah Xaqsoor, Umada, Rays iyo Dalsan Ayaa iyagu ku guul dareystay in loo aqoonsado xisbiga Siyaasadeed ee Somaliland ee rasmiga ah.
XS
SM
MD
LG