Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Ciidamo u Diraya Afrika

In this image released by the U.S. Department of Defense and taken Monday, Aug. 20, 2012, Army Gen. Martin E. Dempsey, chairman of the Joint Chiefs of Staff, talks to American service members with International Security Assistance Forces in Kabul, Afghani

Warbaahinta Maraykanka iyo Afrika ayaa tebinaya in ciidamo ka socda milatariga Maraykanka oo dhan 4000 loo dirayo Afrika si ay tababar u siiyaan ciidamada waddamada dagaalka kula jira argagxisada.

Maraykanka ayaa aad uga walaacsan laamaha ka tirsan Al-Qaacida ee ku sii badanaya waddamada ay ku jiraan Soomaaliya, Liibiya, Nayjeeriya iyo Maali.

Qayb ka mid ah ciidankan oo dhan 200 ayaa loo dirayaa inay tabaraan ciidanka Kenya. Ciidanka Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka ciidamada midowga Afrika ka socda ee ka howgalla Soomaaliya.

Ciidamada Maraykanka waxaa loo dirayaa in ka badan 30 waddan.
XS
SM
MD
LG