Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Afrika: Mali Ma noqonaysa "Afghanistan"


Mali - Ansar Dine
Mali - Ansar Dine
Hoggaamiyayaasha Africaanka iyo kuwa caalamka ayaa sheegaya inaysan oggolaan doonin in dalka Mali uu noqdo dal gabaad u ah argagixisada, dal fashilmay iyo dal loogu yeero "Afghanistan" oo ku yaalla gobolka Saaxil

Golaha Amniga ee QM ayaa taaageeray ciidamo ka socdo gobolka oo la geeyo Mali sannadka danbe si ay maareeyaan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan caasimadda sidoo kalena ciidamada Mali gacan ka siiyaan sidii ay kooxaha Islamaiyiinta dib uga qabsan lahaayeen waqooyiga dalkaasi.

Sannadkan 2012-ka ayaa ahaa sannad ay niman hubeysan awooddii Mali la wareegeen, waxayna haysashadoodu u muuqataa mid ka xoog badan kuwii hore, dhinaca waqooyi iyo waliba dhinaca koonfureed.

Hoggaamiyayaasha Afrika ayaa imika haysta taageerada QM ee ay ciidamo gobolka ka socda oo gaaraya 3,300 ay ku faragelinayaan dalka Mali si xasiloonida u soo celiyaan ugu danbeyna la bar-bar dagaallamaan ciidamada Mali.

Dagaalyahanno ajanabi ah oo waqooyiga dalkaasi ku sugan ayaa ku hanjabay weeraro argagixiso ay ka fulin doonaan dalalka ciidamo u soo diri dalka Mali. dadaallada lagu saarayo kooxaha Islaamiyiinta ayaa sidoo kale dalalka ku fidin kara dagaallada.
XS
SM
MD
LG