Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Hubaysan oo Dad u Badan Caruur ku Dilay Iskool


Connecticut School Shooting
Connecticut School Shooting
Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 28 qof oo u badan caruur oo ku sugnaa dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Connecticut ee dalkan Maraykanka.

Paul Vance oo ka tirsan booliska gobolka ayaa sheegay in ninkii dilkan geystay uu goobta isna ku dhintay.

Mr. Vance ayaa wariyayaasha u sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan shaqaalaha iyo ardayda dugsiga hoose ee Sandy Hook ee ku yaalla degmada Newtown ee gobolka Connecticut.

Sawirrada iyo muuqaallada Fiidiyowga ee ka soo baxaya goobta uu shilkan ka dhacay ayaa muujinaya caruur badan oo laga daadgureynayo goobtaasi kuwaasoo qaarkood argagaxsan.
XS
SM
MD
LG