Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Waddada Maka al-Mukarama


CID-da oo Qarax Lala Beegsaday
CID-da oo Qarax Lala Beegsaday
Ugu yaraan hal qof aya adhintay in kabadan 7 kale wayn ku dhaawacmeen kadib markii wadada Maka al-Mukarama ee Muqdisho uu ka dhacay qarax baabuur.

Taliyaha ciidanka nabad-sugida ahna Afhayeena booliska, C/laahi Xasan Bariise ayaa VOA u sheegay in wakhtigii Salaadda Jimcaha uu qarxay baabuur la dhigay wadada hareeraheeda, iyadoo dadka wax ku noqday qaraxan ay ahaayeen dad rayid oo saarnaa mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha oo wadada marayay. Bariise ayaa sheegay inay wadaan baadhitaan arrintaasi la xiriira.

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in kolonyo gaadiid oo ay ciidankoodu leeyihiin uu dhaafay wadadaasi ka hor intii aanu qaraxu dhicin.

Muqdisho ayaa ka xasiloon muddooyinkan weerarada qaraxyada ismiidaaminta ah ee lala beegsado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
XS
SM
MD
LG