Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qarax Bam oo Dad ku Dhintay.


Hal Qof ayaa ku geeriyooday 3 kalana way ku dhaawacmeen Kadib markii 9:30-kii Fiidnimo ee xalay bam gacmeed lagu tuuray goob Shaneemo ah oo ku taala Dagmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Shaneemadan bam-ka lagu tuuray oo lagu magacaabo (Shaneemo Muqdisho) ayaa xiligaasi waxaa ku sugnaa dhalinyaro aad u fara badan oo sugayay mid ka mid ah cayaaraha kubada cagta oo ka tirsan horyaalka wadanka Spain oo daqiiqado kadib halkaasi ka bilaabanaysay.

Bam-gacmeedka ayaa qabsaday afaafka hore ee Shaneemada oo ay ku sugnaayeen koox dhalinyaro ah oo danaynaysay in ay u sii gudbaan gudaha shaneemada,waxana mar kaliya lag war helay dhawaqa bam-gacmeedka iyadoo qiiq iyo uuro badana uu cirka isku shareeray.

Qofka geeriyooday ayaa ah wiil dhalinyaro ah oo ay da'diisu tahay 13 jir kana tirsanaa dhalinta ka shaqaysata qaadka loo yaqaano garaabada.

Goobta Shilku ka dhacay ayaa waxaa durbadiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya ee ku sugan.

Dagmada Wadajir waxana ay gurmad u fidiyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxa oo ay u daabuleen goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.
XS
SM
MD
LG