Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nairobi: Yusuf Xasan oo Qarax ku Dhaawacmay


Yusuf Hassan
Yusuf Hassan
Xildhibaan Yusuf Xasan Cabdi oo ah Mudane laga soo doorto degmaga Kamakunji ee magaalda Nairobi, ayaa ku dhaawacmay qarax bam salaaddii cishaha ka dib lagu weerarray maasaajidka Al-Hidaaya ee Xaafadda Islii.

Maxamed Ismaaciil oo ah Xoghayaha xildhibaanka ayaa VOA u sheegay in Yusuf Xasan Cabdi uu qaraxu ka dhaawacay labada lugood iyo gacanta bidixda ah, waxaana uu intaa ku daray in bamka lagu tuuray xildhibaanka isagoo masaajidka hortiisa dadka uga jawaabayey su'aalo la xiriira doorashada soo socota ee Kenya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laba qof ay weerarka ku dhinteen, hase ahaatee sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa qaraxa ku dhaawacmay in ka badan 10 qof.

Xaafadda Eastleigh oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee magaalda Nairobi, ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacay weerarro is dabajoog ah oo ay masuuliyiinta Kenya ku eedeeyaan inay ka danbeeyaan kooxda Alshabaab.
XS
SM
MD
LG