Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhul-gariir Xooggan oo Gilgilay Dalka Japan


Masuuliyiinta dalka Japan ayaa sheegay in Tsunami cabirkeedu yahay hal mitir ay ku dhufatay xeebta wuqooyi-bari ee dalka ka dib markii dhul-gariir xoog badan uu ku dhuftay gobalka.

Dhul-gariirkan maanta dhacay oo cabirkiisu yahay 7.3 magnitude ayaaney ka soo bixin wax war ah oo sheegaya khasaaraha dhacay inta uu la egyahay.

Hay’adda Cilmiga Dhulka ee Maraykanka, ayaa sheegtay in dhul-gariirku uu ku dhuftay Ishinomaki oo ka tirsan gobalka Miyagi kaasoo bishii March ee sanadkii 2011kii ay gilgileen dhul-gariir iyo Tsunami is wata.

Warbaahinta qaranka ee NHK ayaa hakisay barnaamijyadii ay sida caadiga u baahin jirtay iyadoo bilaawday tabinta wararka ku saabsan dhul-gariirka, waxayna si aan kala go’an lahayn ugu baaqaysay in dadka dagan dhul xeebeedku ay u cararaan dhulka taagga ah.

Sanadkii hore ayaa waxaa dalka Japan ku dhuftay dhul-gariir cabiskiisu ahaa 9.0 kaasoo ay ku dhinteen ama lagu la’yahay ku dhawaad 20,000 oo qof waxaana uu sababay burburkii ku yimid warshadii nuclear-ka Fukushima waxa ayna ahayd masiibadii ugu ba’neyd ee nuclear ah oo dhacday tan iyo sanadkii 1986kii waqtigaas oo ay dhacday masiibadii Chernobyl ee Midowgii Sofiyeti
XS
SM
MD
LG