Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria: Dad ku Dhintay Qaraxyo ka Dhacay Kaniisad


Militariga Nigeria ayaa sheegay in qaraxyo is-xiga ah oo maanta ka dhacay kaniisad ku dhextaalla xarun Militari ay ku dhinteen ugu yaran 11 qof, ayna ku dhaawacmeen 30 kale.

Qaraxyadan is-xiga oo daqiiqad kala danbeeyay ayaa goobjoogayaal ay sheegeen in qaraxa labaad uu yahay kan ay inta badan dadku ku dhinteen.

Sarkaal u hadlay ururka kaniisaddaha Nigeria ayaa xaqiijiyay qaraxyadan oo ka dhacay gudaha xarun militari oo lagu magacaabo Jaji oo ku taala gobolka Waqooyi ee Kaduna.

Qofna ilaa hadda ma sheegan mas'uuliyadda, laakiin dhowr kaniisadood oo gobolka ku yaalla ayaa waxaa horey u weeraray ururka Boko Xamar ee Islaamiga ah.

Jimcihii militariga Nigeria ayaa sheegay inuu boqolaal kun oo dollar oo abaalmarin ah sinayo qofkii keena macluumad horseedi kara in la soo xiro hoggaamiyayaasha Boko Xamar
XS
SM
MD
LG