Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ololihii Doorashooyinka Somaliland oo maanta Xirmay


Dabaal-degga 20-Guurada Somaliland
Dabaal-degga 20-Guurada Somaliland
Waxaa maanta ku eeg ololihii doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland kuwaasoo soo socday 28-kii maalmood ee la soo dhaafay. Doorashada ayaa dhacaysa Maalinta Arbacada 28-ka Bisha.

Maxamed Axmed Geelle, Afhayeenka guddiga doorashada Somaliland ayaa VOA u sheegay in laba maalmood ee soo socota la nasan doono si maanta arbacada ah loogu diyaargaroobo doorashooyinka goloyaasha oo ka dhici doono 6 gobol oo ka tirsan Somaliland.

Afhayeenku wuxuu sheegay in haatan ay bilaabeen inay sanduuqyadii codadka geeyaan meelaha ay doorashooyinku ka dhici doonaa.
XS
SM
MD
LG