Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: Mucaaradka oo Kordhiyay Diidmada Go'aankii Morsi


Mucaaradka Masar ayaa sii wada dibadbaxyada iyo diidmadooda ku aadan wareegtadii uu madaxweyne Morsi isku siiyay awoodda cusub, waxayna teendhooyin ka sameysteen fagaaraha Taxriir ee Qaahira.

Wareegtada madaxweynuhu soo saaray ayaa awood dheeraad ah siinaysa madaxweynaha iyo inaan cidna ka hor-iman karin go'aannada madaxweynaha qaato. Mucaaradka ayaa arrintaasi ku tilmaamay "kali-talisnimo" waxayna shalay ilaa xalay sameeyeen dibadbaxyo rabshado wata oo magaalooyinka qaarkood ay ku gubeen xafiisyo uu leeyahay ururka Akhwaan Muslimiiin.

Madaxweyne Morsi ayaa difaacay go'aankiisa, isagoo sheegay inuu yahay mid uu doonayo in lagu ilaaliyo kacdoonkii Masar, isla markaa uu dalka Masar ku hoggaaminayo wadadii "Xornimada iyo Dimoqraadiyada"

Maanta Qaahira waxaa ku kulmaya golaha xukuumadda oo ka arrinsanaya wareegtada madaxweynaha.

Dhinaca kale, mucaaradka ayaa ku baaqay in maalinta Talaadada ah la isugu yimaado dibadbax ay ka qeybgalayaan hal Malyuun oo qof oo looga soo horjeedo go'aanka Morsi, kana dhini doona fagaaraha Taxriir ee Qaahira oo ahayd goobtii xudunta u ahayd kacdoonkii lagu ridday Madaxweynihii hore ee Mubaarak
XS
SM
MD
LG