Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbaxyo Iska Soo Horjeeda oo Ka Dhacay Masar


Dibadbaxyo iska soo horjeeda oo qaarna ay taageersanyihiin wareegtadii uu madaxwenye Mursi xilka uga qaaday xeer ilaaliyihii dalka Masar, qaarna ay ka soo horjeedaan ayaa ka dhacay guud ahaan wadanka Masar

Dibadbaxyadan ayaa imaanaya ka dib markii kooxaha mucaaridku ay ku baaqeen in la isugu soo baxo mudaharaadyo looga soo horjeedo wareegtadii uu soo saaray madaxweynmaha dalka Masar Maxamed Musri, wareegtadaas oo ay ku jireen go'aanno ay ka mid ahaayeen in xilkii laga qaaday xeer ilaaliyihii dalka iyo in dib loo soo celiyo maxkamadeyntii masuuliyiintii ka tirsanaa maamulkii Mubarek, iyo inaan la kala diri karin Golaha sharciga iyo Guddiga Dastuurka dalka Masar

Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda xukuumadda Mursi, ayaa ku tilmaamay go'aanka madaxwynaha mid aan sharciga waafaqsaneyn. Maxamed ElBaredei oo madax u ah xisbi mucaarad ah ayaa sheegay in madaxweyne Mursi uu boobey awooddii dalka ayna taasi keeni doonto cawaaqib xun.

Dhinaca kalena,taageerayaasha Maxamed Mursi ayaa soo dhaweeyey wareegtada madaxweynaha iyagoo sheegay in waqti dheer la sugayey.
XS
SM
MD
LG