Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israail iyo Xamaas oo Ilaalinaya Xabbad-Joojintii


Xabbad-joojintii ay ku heshiiyeen Israel iyo dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa u muuqata mid aan la jabin oo hirgashay maanta oo Khamiis ah.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa ka soo xigatay Radiyo ku yaala lsrael, in gaantaalo aan badneyn ay Israel kaga soo dhacen dhinaca Qaza ,laakiin aysan Isreal wax jawaab ah ka bixin .

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay labada dhinac inay xajiyaan heshiiska xabad joojinta iyo shuruudaha la socda ee ay dhexdhexaadisay dowladda Masar.

kumanaan reer Falastiiniyiin ah oo ku nool Qaza ayaa xalay oo dhan damaashaadyo ku samaynayay jidadka Qaza si ey u soo dhaweeyaan xabad joojinta la gaaray, iyagoo calamo lulay hawadana u ridayay bulaleyryo.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa soo dhaweeyay xabad joojinta waxuuna sheegay, in gargaar bani'aadnimo oo deg-deg ah lala gaaro Qaza.

Heshiiskan la dhex dhigay labada dhinaca ayey Isreal ku ogolaatay inay joojiyo dhammaan dagaalka iyo dilalalka beegsiga ah ee ka dhanka ah Xamaas, halka Falastiiniyiinta laga doonayo inay joojiyaan gantaalada ay u tuurayaan dhinaca Isreal iyo weerarada xadka ay ka fuliyaan.

Isreal sidoo kale waa inay bilowdaa wada hadalo ku saabsan furitaanka xuduudda Qaza, meelaha magaalada laga galo ama laga baxo iyo dabcinta xayiraadda saaran dhaq dhaqaaqa dadka iyo badeecadda

Shan qof oo u dhashay Isreal iyo 150 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay dagaalka iyo rabshadihii ka dilaacay gobolka toddobaadkii la soo dhaafay.
XS
SM
MD
LG