Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Hakisay Weerar Dhulka ah oo ay Ku Gali Laheyd Gaza

This new Hubble image is centered on NGC 5793, a spiral galaxy over 150 million light years away in the constellation of Libra. This galaxy has two particularly striking features: a beautiful dust lane and an intensely bright center — much brighter than that of our own galaxy, or indeed those of most spiral galaxies we observe. (Credit: NASA, ESA, and E. Perlman (Florida Institute of Technology))

Xukumadda Israel ayaa sheegtay inay hakisay weerar dhulka ah oo ay ku gali laheyd Gaza si ey fursad u siiso dadaalada diblomaasiyadda ee socda

Xukumadda Israel ayaa hakad gelisay howlgal dhinaca dhulka ah oo u qorsheysnaa inay ku gasho magaalada Qaza, iyadoo dhinaca kale dadaalada diplomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu xaliyo dabka ka holcaya gobolka, ay xoogeysteen talaadadii shalay.

Waxaa socda dadaalo la doonayo in lagu soo afjaro duqeynta dhinaca cirka ah ee ay Israel ku heyso Qaza iyo gantaalada ay kooxda xamaas la dhaceyso dhulka Israel ee galay maalintoodii sideedaad.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton ayaa xalay kula kulantay magaalada Qudus Ra’isul Wasaaraha Isreal Binyamin Netanyaho, iyadoo uga sii gudbeysay deganka Ramalah oo ay kula kulmeysay Madaxweynaha Falastiiniyiinta

Maxamuud Cabaas, ka hor inta aysan u duulin maanta oo arbaca ah magaalada Qaahira oo ay kula kulmeyso Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi.

Labaduba Isreale iyo Xamaas waxey sheegeen inay diyaar u yihiin in Diplomaasiyadda la siiyo fursad.

Dhinaca kale heshiis xabad joojin ah oo ay Masar garwadeen ka tahay oo lagu waday in xalay lagu dhawaaqo ayaa dib u dhac uu ku yimid.
XS
SM
MD
LG