Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gasa: Waan-waan Socota iyo Dhimashadii oo 100 Dhaaftay


Iyadoo ay wali socoto duqeynta ay Israail ku hayso ka magaalada Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta ayaa dowladda Masar waxa ay sheegeysaa in meel wanaagsan ay mareyso waan-waanta ay ka dhex wado Israail iyo Ururka Xamaas.

Dhinaca kale, waxaa korortay tirada dadka ku dhintay dagaalladan u danbeeyay. Saraakiil ku sugan Gaza ayaa sheegay in inkabadan 100 qof ay dhinteen, halka dhinaca Israail ay dhimashadu tahay 3 qof.
XS
SM
MD
LG