Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Xaafadda Eastleigh ee Nairobi


Wararka ayaa sheegaya in weerar uu dhacay, kadib markii bambo gacmeed lagu dhex tuuray gaari mini-bus ah oo 25 qaad ah oo goobta marayey. Booliiska Kenya ayaa weerarka ka dib durbadiiba goobta soo gaaray, hase yeeshee booliisku illaa iyo hadda kama hadlin weerarka.
Wali ma cadda cidda weerarka geysatay.
Magaalooyinka dhowr ah oo ay ku jiraan Nairobi, Garrisa, iyo magaalo-xeebeedka Mombasa ayaa la il darnaa weeraro xiriir ah oo bambo gacmeed loo adeegsaday, ilaa markii ciidanka Kenya ay galeen dalka Somalia. Ciidanka Kenya ayaa Somalia galay bishii October ee sanadkii hore si ay u taageeraan dawladda Somalia oo dagaal kula jirtay ururka Al-Shabab.
XS
SM
MD
LG