Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxamed Dheere oo Muqdisho ku Geeriyooday


Maxamed Cumar Xabeeb (Dheere) ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaalka Xalane ee degmada Wadajir oo ay maamulaan ciidamada AMISOM.

Alle ha u naxariistee, Maxamed Dheere waxa uu horay u soo noqday duqii magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyihii gobolka Banaadir, isaga oo intaas ka horna ahaa guddoomiyihii gobolka Shabeellada Dhexe.

Waxa magaciisu uu aad uga dhex muuqday dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa marxuum Cabdulaahi Yuusuf Axmed. Maxamed Dheere waxa uu kursigii xildhibaanimo u banneeyey Prof. Cali Maxamed Geeddi si Geeddi uu u noqdo Ra'iisal Wasaarihii Somalia. Xiligaas waxa xukuumadda xil ka qaban karay xubnaha baarlamaanka oo kaliya, sababtaas ayeyna ahayd tii uu marxuur Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) kursigiisii ugu banneeyey Prof. Geeddi.

Wararka geeridiisa ku saabsani waxay sheegayaan in lagu waday in magaalada Nairobi maalintii shalay ahayd loo duuliyo, hase yeeshee, dayuuradii qaadi lahayd laga waayey neeftii Oxygen-ta, sidaas darteed uu ugu sii nagaaday cisbitaalka Xalane, maantana uu halkaas ku geeriyooday.
XS
SM
MD
LG