Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo Soo Dhaweysay Ansixinta Golaha Wasiirada


Mark Simmonds Photo
Mark Simmonds Photo

Dowladda Britain ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaantay, soona dhaweysay ansixinta golaha Wasiirada Somalia

Wasiirka Arimaha Africa ee Britain Mark Simmonds ayaa soo dhaweeyay ansixintii golaha baarlamanka ee Somalia ay shalay ansixiyeen golaha cusub ee wasiirada oo markii ugu horeysay taarikhda Somalia ay ku jiraan laba dumar ah jagooyin sar sare haye.

Mr. Simmonds ayaa sheegay in dowladda Britiaan ay u aragto go’aankan uu qaatay Baarlamanka Somalia mid ku hogaaminaya dariikha isbedelka ay Somalia istaahisho.

Waxa uu sheegay in dowladda Britain ay ka dhur sugeyso inay si dhow ula shaqeeyso golaha cusub ee wasiirada Somalia.

Waxa uu sheegay in golaha ay hor yaalaan caqabado badan, hase yeeshee uu u xaqiijinayo sida dowladda Britain ay uga go’antahay inay kala shaqeyso dowladda, wax ka qabashada waxyaabaha madaxweynaha sheegay inuu ahimiyadda siinayo: sida xoojinta amaanka, cadaaladda, horumarinta dib u heshiisiinta, soo nooleynta dhaqaalaha iyo xoojinta maareynta hantida dadwynaha.
XS
SM
MD
LG