Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Philipines: Dowladda iyo Islaamiyiinta oo Heshiiyay


Xukuumadda Philipine iyo jabhaddaba Islaamiga ah ee dagaalka gooni-goosadka ah ka waday koonfurta dalkaasi mudddada tobbanaanka sanno ah ayaa kala saxiixday heshiis horudhac ah oo qeexaya talaabooyin lagu dhameynayo colaadda u dhaxeysa labada dhinac ugu danbeyn sannadkan 2016-ka.

Madaxweynaha Philipine, Benigno Auino iyo guddoomiyaha ururka xorreynta Islaamiga ah ee Moro, Murad Ebrahim ayaa goob-joog ka ahaa xafladda saxiixa heshiiskan oo maanta oo Isniin ah lagu saxiixay aqalka madaxtooyada.

Saraakiisha ayaa sheegay in heshiiskan uu sharxayo inta ay le’eg tahay awoodda, dakhliga iyo dhulka koonfurta dalkaasi ku yaalla, oo la filayo in laga yagleelayo gobol cusub oo maamul hoosaad leh oo Muslimiintu ay yeeshaan oo lagu magacaabo “Bangsamoro”

Ajandaha ama qodobada heshiiskan oo jabhaddan lagula galay magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malesia bishan gudaheeda ayaa wuxuu abuurayaa golle KMG ah oo ka kooban 15 xubnood, kuwaasoo haysta ilaa sannadka 2016 si uu u diyaariyo sharciyada lagu dhisayo gobolka cusub ee Muslimiintu yeelanayaan.
XS
SM
MD
LG