Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali lagu Dilay South Africa


Soomaali lagu Dilay South Africa
Soomaali lagu Dilay South Africa

Laba qof oo ganacsato Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Dilal iyo boob ka dhan ah ganacsatada Soomaalida ee dalka koonfur Afrika ayaa halkaa si daba joog ah todobaadyadii u dambeeyay ka socday. Xalay ayaa u dambeysay oo laba Soomaali ah lagu dilay laba magaalo oo ka tirsan gobolka Eastern Cape.

Cali Cabdi Cumar oo ka mid ah dadkii xalay la dilay waxaa lagu waday inuu maanta ka qeybgalo dhageysi maxkamadeed, si uu uga marqaati furo gacan ku dhiiglayaal horey Soomaali dil ugu geystay, sidaasi darteed ayaa loo maleynayaa in dilkiisu uu qorsheysnaa, waxaana arrintaas VOA-da u xaqiijiyay guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed Raabi.

XS
SM
MD
LG