Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sayid Maxamed halkuu ku aasan yahay?


Taalada Sayid Maxamed
Taalada Sayid Maxamed

Ethiopia waxaa laga bilaabay baaritaan lagu samaynayo halkuu ku aasan yahay Hoggaamiyihii daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inay bilaabeen raad-raaca halka uu ku aasan yahay hoggaamiyihii daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee la dagaalami jiray gumaystihii Biritan ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Haddaba halkee ayuu ku aasan yahay Sayid Maxamed Cabdullle Xasan.

Horraantii 1920-Kii ayaa ciidamada Biritishku ay jebiyeen daraawiishta, taasina waxay ku qasabtay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo ciidankiisii inay u baxsadaan dhinaca Shabeellada Sare, waxayna tageen degmada Iimaay oo haatan ka tirsan gobolka Af-dheer ee dhulka Soomaalida Itoobiya. Taariikhyahanka Soomaaliga ee Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ka warramaya ayaa sheegay in Sayid Maxamed Cabdulle Xasan lagu aasay Iimay, balse halkaasi laga saaray dhowr sano kadib lana geeyey degaan lagu magacaabo Jarjari.

Hase yeeshee khubarada Dhaqanka ee Ismaamulka Soomaalidu waxay sheegeen in loo tilmaamay 22 xabaalood oo ku yaalla Raydiito ee gobolka Baali oo loo sheegay in laga yaabo midkood inuu ku aasan yahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxayna sheegeen inay adeegsan doonaan farsamada hidde-raaca ee DNA-da si ay ku aqoonsadaan qalfoofka Sayidka kan uu yahay.

Guuleed Casoowe oo ah Madaxa Xafiiska Warfaafinta iyo Dhaqanka ee gobolka Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegay in haddii ay helaan qalfoofka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan inay dib ugu soo celin doonaan degmada Iimay.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixintan.


XS
SM
MD
LG