Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in Itoobiya ay wadahadal la gasho ilaa Addis Ababa ay "waxba kama jiraan" kasoo qaadeyso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, sida lagu shegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.
Shirkii ay Sabtida maanta ah yeelan lahaayeen golaha wadatashiga qaranka ayaa dib loo dhigay “sababo farsamo” awgeed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya.
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay dhibaatada dhaqaale ee ka jirta Jubaland oo saameysay dadka danyarta ah ee degaanka.
Subaxnimadii hore ee saaka Ciidamada Jubaland iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa weerar ku qaaday deegaanada ku dhow dagmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan gadiga kale ee wabiga halkaasi oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka waaberigii ay kooxo Macawisley, ah oo ka tirsan dadka deegaanka, ay weerar ku qaadeen saldhig ay leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab oo ku yaalla duleedka degmada Bardaale.
Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya iyo caqabadaha ku gadaaman, ayada oo wafdi sare oo ka socda dowladda federaalka ay magaalada Washington kulamo kula leeyihiin hay’adaha maaliyadda ee caalamka.
Dhaqaatiirta Magalada Bosaaso ayaa sheegay in ay korartay Tirada dadka laga helayao cudurka kansarka ee Magaaloyinka Gobolka Bari gaar ahaan meelaha laamiga ka baxsan ee ay ay adag tahay in laga helo adeeg caafimaad.
Wasriirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan maalmahan magaaladda Washington, D.C., waxaana ay kulamo la leeyihiin Bankiga Adduunka (World Bank) iyo Hay'adda Lacagta ee IMF.
Barnaamijka Madasha Haweenka, waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay haweenka iyo hal-abuurka ganacsiga, waxaana ku wareysaneynaa laba gabdhood oo hal-abuuryo ganacsi ka sameeyey Hargeysa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iskugu yeeray kulan ay yeeshaan madaxda federaalka iyo kuwa heer goboleed.
Kuwo kale