Warbaahinta dawladda Turkiga oo soo xiganaysa wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegtay toddobaadkan in Turkiga uu sannadka 2025-ka billaabi dooni qodista shidalaka Soomaaliya.
Munaasabad xalay lagu qabtay madaxtooyada Villa Somalia ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bilad sharaf ku guddoonsiiyey oradyahan Cabdullaahi Jaamac.
Gudigga Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee codbixiyeyaasha doorashada madaxtooyada iyo doorashada tooska ah ee Axsaabta Qaranka.
Doon wadda shixnad ganacsi ayaa markii ugu horeysay muddo sannado ah kusoo xiratay dekadda magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi Abdi ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray mudadda Cayimidda maalinta la qabanayo doorashooyinka Somaliland.
Maxkakamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa maanta dhagaysatay racfaanka Sayid Cali Macalin Daauud oo horey maxkamadda gobolku ugu heshay inuu gubay xaaskiisa kuna xukuntay dil bishii Maarso.
Kadib dood iyo muran muddo doorashad ka soo taagnaa, in la cayimo maxay uga dhigan tahay hanaanka dimuqraadiyada Somaliland?
Markanna dhageystayaal waxa aad ku soo dhowaataan Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka oo uu marti ku yahay Mahad Waasuge oo ah Agaasimaha hay'adda Somali Public Agenda ee xarunteedu tahay Muqdisho ayaa waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue).
WASHINGTON — Ku soo dhowaada barnaamijka Caweyska Washington. Barnaamijka ayaa toddobaadkan waxaa marti ku ah Al-Fannaan Cabdi Baadil Ibraahim. Barnaamijka waxaa soo saaray soona jeedineysa, Caasha Ibraahim Aadan (Caasha Cuud).
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay waqtiga ay dhacayaan doorashada madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo tan tooska ah ee axsaabta siyaasadda. Guddiga ayaa sheegay in ay doorashadaasi halmar wada qabanayaan 13-ka bisha November ee sanadkan.
Kuwo kale