Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo ka yar laba sano ay kusoo saari doonto shidaalka dalka oo qodistiisa ay bilaha soo socda billaabayaan.
Xilli lagu guda jiro bisha Ramadaan ayey qoysas Barakacayaal ah oo siyaabo kala duwan uga soo hayaamay deegaanadii ay ku noolaayeen, waxa ay duleedka degmada Dayniile ku wajahayaan xaaladd adag oo ay ugu horeyso, in aanay heysan wax ay ku afuraan.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegatay in ka badan 80 ka titrsan maleeshiyaadka al-Shabaab in lagu dilay hawlgallo ka kala dhacay gobollada Mudug, Shabeellada Dhexe iyo Bakool.
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay, tiro kale oo aan la cayiminna way ku dhaawacantay shil baabuur oo galabta ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Galmudug ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya dagaal cuslus oo shalay ka dhacay duleedka magaalada Xarardheere.
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyay qaar kalena wey ku dhaawacmeen dagaal qaraar oo shalay iyo xalay ka dhacay meel ku dhow degmada Xarardheere.
Mas’uuliyiinta katirsan Maamulka KG iyo saraakiil kasocday hay’adaha Samafalka ayaa kulan kuyeeshay magaalada Baydhabo, waxayna kawada hadleen sida looga hortagi karo khasaaraha ay gaysan karaan roobka gu’ga oo dhawaan lafilayo inay bilowdaan.
Maamul goboleedka Puntland ayaa ka digay wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka Soomaaliya iyadoo aan laga wadatashan.
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ururka al-Shabaab ay saacadihii hore ee saaka weerar ku qaadeen tuulada Daaru Nicma halkaasi oo dagaal ku dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka.
Barnaamijka Galka Baarista waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay sida uu u kobcayo dakhliga dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowaan laga cafiyey deyn caalami ah iyo caqabadaha ku xeeran.
Madaxtooyada Puntland ayaa xalay xilli dambe soo saartay warsaxaafadeed ku saabsan doodda dastuurka Soomaaliya ee ka socota baarlamaanka Soomaaliya.
Dumarka xildhibaanada ah qaarkood ayaa ka walaacsan sida ay noqon karto saamigii dumarka ee golayaasha sharci dejinta marka uu dhaqangalo wax ka bedelka dastuurka.
Kuwo kale