Labo qof ayaa la aaminsan yahay in ay middiyo iyo baangad ku dileen askari u dhashay Britain oo ka soo baxay xero ciidan oo ku taallay halka lagu dilay agteeda
Qaraxyo baabuur oo ka kala dhacay meel ay ku badan yihiin dadka shiicada ah ee magaalada caasimadda ah ee Baqdaad iyo magaalada koofurta ku taala ee Basra, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 31 qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Zahra Shahid Hussain oo ah madaxweyne ku-xigenka Xisbiga PTI, ayaa rag hubeysan oo aan la garaneyn ku toogteen gurigeeda hortiisa, waxaana xisbigeedu ay toogshada ku eedeeyeen xisbiga ay iska soo horjeedaan ee MQM
Wasaaradda Gaashaandhiga ee Kuuriyada Koofureed, ayaa sheegtay in Kuuriyada woqooyi ay seddex gantaal oo kuwa ridada gaaban ah ku gantay Badda Bari tasoo loo yaqaan Badda Japan.
Dowladda Mareykanka ayaa nasiib darro ku tilmaantay gantaalo ay Rusia siisay Syria. Gantaalahan ayaa ah nooca Kuruska loo yaqaan ee lagula dagaalamo maraakiibta.
Barnaamijka Ummuraha Islaamka ee todobaadkan waxa aynu ku eegeynaa, wadahadalo ay Reer Galbeedka iyo Ruushku ugu baaqeen kooxaha iska soo horjeeda ee wadanka Syria inay ku yeeshaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa maanta oo Khamiis ah Aqalka Cad ku soo dhaweynaya ra’iisul-wasaaraha wadanka Turkey Recep Tayyip Erdogan, si ay uga wadaxaajoodaan xaaladda Syria iyo ammaanka gobalka.
Xisbiga muxaafidka ee uu hogaamiyo ra’iisul-wasaarahii hore ee wadanka Pakistan Nawaz Sharif, ayaa ku dhow inuu ku guuleysto doorashadii Golaha Baarlamaanka ee Sabtidii dhacday, taasoo ay weli socoto tirinteedu.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay ka feejigantahay in daandaansiyada qaar ay ku riixaan inay ku lug yeelato codlaadda mudada dheer ka socota Suuriya
Doorashooyinka Baarlamaanka Pakistan oo Sabtidan maanta ah ka furmay dalkaas, ayaa goobaha qaar qaraxyo lagu weeraray waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Tababaraha Kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fariisanayo, marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan oo ay ka harsan yihiin oo kaliya 2 kulan.
Tirada dadkiii ku dhintay dhismo warshadeed oo ku bur buray dalka Bangladhesh 24kii April ayaa gaartay ilaa iyo 600 oo qof, iyadoo weli shaqaalaha gurmadka ay ku jiraan baadi doonka meydad weli ku hoos jira bur burka
Xoogsato ku sugan meelo kala duwan oo dunida ah ayaa maanta oo ku beegan Maalinta Shaqaalaha Adduunka dibadbaxyo ku muujiyey cabashooyinka ay qabaan
Ra’iisul-wasaaraha wadanka Syria Wael Al- Halqi, ayaa ka badbaaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu weeraray baabuur kolonyo ah oo uu la socday gudaha magaalada Dimishiq.
Wadanka Ruushka dab ka kacay isbitaal lagu daryeelo dadka qaba xanuunada dhimirka oo ku yaala magaalada Ramensky ee duleedka Moscow, ayaa waxaa ku dhintay 38 qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen shaqaale caafimaad.
Britain ayaa maanta Muqdisho dib uga furtay safaaradeedii muddo 22 sano kadib markii ay xirtay safaaradaasi sidoo kalena Somalia kaa daadgureeysay diblomaasiyiinteedii kadib markii ay qarxeen dagaaladii sokeeyay ee Somalia.
Kooxda Jarmalka ah ee Borussia Dortmund ayaa ciyaar shalay dhacday natiijo culus kaga badisay kooxda reer Spain ee Real Madrid
Dalka Bangladesh dhisme ganacsi oo ka koobnaa sideed dabaq oo ay ku yaaleen banki, dukaamo iyo warshad dharka sameysa ayaa dumay, todobaatan qof ayaa ku dhintay boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Nicolas Maduro oo sii hayey xilka madaxweynaha dalka Venezuela ka dib geeridii Madaxweyne Hugo Chavez, ayaa ku guuleystay doorashadii Axaddii shalay ka dhacday dalkaasi.
Barnaamijka Arrimaha Islaamka ee todobaadkan waxa uu ku saabsan yahay Falaagada ka dagaalanta wadanka Syria oo lagu magacaabo Jabhatu Nusra iyo Ururka Al-Qaida oo todobaadkii dhawaa ku dhawaaqay inay midoobeen.