Diyaarad ay kiraysatay dawladda Maraykanka ayaa tobannaan muwaadiniin Maraykan ah kasoo daad-guraysay dalka Haiti oo qalalaasuhu cirku isku sii shareerayo.
Milatariga xukuma dalka Niger ayaa laalay heshiis milatari oo u oggolaanayay hawlwadeenada Milatariga iyo shaqaalaha rayidka ah ee ka socda wasaarada gaashaandhiga Maraykanku joogitaanka dalkaasi, waa sida uu sheegay Colonel Amadou Abdramane oo ah afhayeen u hadlay milatariga dalkaasi.
Dowladda Mareykanka ayaa koox ka mid ah milatarigeeda u direysa Gaza si ay u dhisaan deked sabeyneysa oo la doonayo in gargaarka lagu gaarsiiyo Gaza, laakiin sida ay ku soo warrameyso wariyaha VOA uga soo warranta Wasaaradda Gaashaandhigga, dhismaha dekeddan waxa uu qaadanayaa muddo toddobaadyo ah.
Shirkadaha Uber iyo Lyft ayaa Jimcihii sheegay inay joojin doonaan adeeggooda Minneapolis laga billaabo 1-da May, kadib markii Golaha Magaaladaasi uu ansixiyay sharci shirkadahan ku khasbaya inay mushaarka ugu hooseeya siiyaan wadayaasha.
Madaxweyne Joe Biden ayaa wajahaya hubanti la’aan ku saabsan gobolka is-bedbedela ee hadba xisbi raaca ee muhiimka ah ee Michigan.
Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa xalay si aqlabiyad ugu codeeyay in la meel mariyo sharci horseedi kara in dalka oo dhan laga mamnuuco barta caanka ah ee TikTok, hadii shirkad iska leh maamulkeeda aysan ku wareejin shirkad Mareykanka laga leeyahay.
Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqdey inay siinayso Militariga Ukraine $300 milyan oo dollar oo gargaar ah.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay ku guuleystay magacaabista musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Dimoqraadiga uga qeybgali doonaan doorashada madaxweynaha ee bisha November, halka madaxweynihii hore ee Donald Trump uu noqday musharaxa Jamhuuriga.
Barnaamijka Amuuraha Maraykanka, waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay saameynta ay Muslimiinta Mareykanka ku leeyihiin siyaasadda dalka.
Kuwo kale