Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Keith Ellison oo Waraysi Gaar ah Siiyey VOA


Keith Ellison
Keith Ellison
Xubin ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dawladda Maraykaanku ka faa’iidaysato fursadda ka Jirta Soomaaliya ayna degdeg wax ula qabato dawladda Soomaaliya.

Keith Ellison oo waraysi khaas ah siiyey idaacadda VOA ayaa ugu Baaqay xukuumadda Maraykaanka inay gacan ka gaysato sidii fursado Shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed si aysan ugu dhicin gacanta kooxaha xagjirka ah iyo inay iskaashi dhinaca baayac-mushtarka ah la sameyso Soomaalida.

Waraysiga uu siiyey idaacadda VOA ayuu sidoo kale kaga hadlay qorshe lagu mataaneeynayo magaalooyinka Muqdisho iyo Minneapolis iyo sharci-dejin uu ka shaqaynayo oo lagu khafiifinayo xayiraadaha bankiyada ee saaran ganacsiga xawaaladaha.

Waraysiga oo uu Haaruun Macruuf la yeeshay Keith Ellison waxaa si wadajir ah u soo jeedinaya Ibraahim Xasan Danadurey iyo Cabdulaahi Nuur Maxamed Kolombo.

Isagoo dhanna halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:18:49 0:00
XS
SM
MD
LG