Tirada shaqaalaha Shiinaha ee guud ahaan Afrika ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyay in ka badan toban sano, waxaa sidaas muujisay xog cusub oo ka soo baxday Xafiiska Tirakoobka Qaranka Shiinaha.
Dowladda Kenya ayaa xoojisay dadaal wax looga qabanayo soo-saarista, isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada, oo dhibaato badan ku haya dalkaas.
Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ka codsatay kooxaha ku dagaalamaya Suudaan inay oggolaadaan gaarsiinta gargaarka bini'aadantinimo si ay uga hortagaan gaajada masiibada ah ee soo food saartay.
Milatariga xukuma dalka Niger ayaa laalay heshiis milatari oo u oggolaanayay hawlwadeenada Milatariga iyo shaqaalaha rayidka ah ee ka socda wasaarada gaashaandhiga Maraykanku joogitaanka dalkaasi, waa sida uu sheegay Colonel Amadou Abdramane oo ah afhayeen u hadlay milatariga dalkaasi.
Ugu yaraan 34 qof oo tahriibayaal ah ayaa la la’yahay 2 kalana waa ay dhinteen, kadib markii doontii ay la socdeen ay kula degtay dalka Tunisia, xilli ay doonayeen in ay uga sii gudbaan badda Mediterranean-ka una sii gudbaan dhanka Talyaaniga, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Tunisia.
Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa toddobaadkii hore uga digay Congress-ka Maraykanka in Ruushka uu si ba’an u ballaarinayo awoodda uu ku leeyahay Qaaradda Afrika.
Goobaha lagu cabo qabrigayo iyomaandooriyaha kale ayaa magaalada Garissa kusoo badanayo xilli hogaamiyaasha gobolku ay sheegeen in falalka amni daro ee ka dhacayo gobalka ay xirir la leyhiin isticmaalka maandooriyaha.
Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay hakinayso gayntii ciidamo kun askari ah oo booliis ah loogu diri lahaa dalka Haiti kadib markii uu is-casilay Ra’iisul Wasaarihii waddankaasi Ariel Henry.
Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay dagaalo ka dhaceen sanado ka hor, ayaa hadda nabad ah, balse gaajo xooggan ayaa ka jirta taas oo gallaafatay caruur tiro badan.
Muslimiinta ku nool dalka Britain ayaa xalay masaajidada ku oogay habeenka koowaad ee salaadda Taraawiixda, kaddib marki xalay maqtibki lagu dhawaaqay in maanta oo Isniin ah ay tahay maalinta 1-aad ee bisha barakeysan ee Ramadan.
Kuwo kale