Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Meles Zenawi oo Xanuunkii Hayay u Dhintay


TV-ga dowladda Ethiopian ayaa sheegay inuu geeriyooday ra'iisul-wasaarihii Ethiopia Meles Zenawi.
Meles ayaan lagu arkin bannaanka muddo ka badan bil kaddib markii uu haleelay xanuun aan la shaacin wuxuu yahay, waxaana la dhigay cisbitaal ku yaalla dalka Belgium bishii July.
Hailemariam Desaleng, oo wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia ayaa noqonoya hoggaamiyaha KMG ee xukuumadda Ethiopia
R/wasaare Meles ayaa dalka Ethiopia maamulayay in ka badan 20 sannadood kaddib markii jabhaddii uu hoggaaminayay ee EPRDF ay xukunka dalkaasi qabsatay 1991-kii.
Sannadkii 2005-ta, Meles waxaa soo wajahday caqabadihii ugu waaweynaa kuwaasoo ka dhashay markii kooxaha mucaaradku ay sheegeen in xukuumaddu ay ku shubatay natiijada doorasho dalkaasi ka dhacday. Ugu yaraan 200 oo qof ayaa ku dhintay rabshado dhacay doorashadaasi kadib.
Doorashadii 2010, xisbiga EPRDF iyo isbahaysigiisa ayaa helay dhamaan codadka baarlamaanka, taasoo dhalisay eedeymo cusub oo muujinaya wax-is-dabamarin in la sameeyay.
Inta uu xukunka hayay Meles, siyaasadda arrimaha dibedda ee Ethiopia ayaa waxaa hadheeyey colaad iyo xiisad uu dalkaasi la galay Eritrea. Labada dal ayaa waxaa dhexmaray dagaal ka dhacay xadka 1998 ilaa 2000, waxaana dagaalladaasi ku dhintay in ka badan 70 kun oo qof.
Sannadkii 2006, ciidamada Ethiopia ayaa galay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxo Islaamiyiin ah oo lagu eedeeyey inay hubeeyaan isla markaana tababaraan dowladda Eritrea. Ciidamada Ethiopia ayaa mar kale ku noqday Soomaaliya sannadkii hore, iyagoo qeyb ka ah dagaal ay dalal badan ka qeybgalayaan oo ka dhan ah ururka al-Shabaab.
Mr. Meles ayaa kasbaday boggaadin ku aadan horumarka dhaqaalaha, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka ee dalkiisa uu gaarsiiyay, waxaa sidoo kale Meles lagu tilmaamaa inuu isbahaysi iyo saaxiib la yahay Maraykanka dagaalka ka dhanka ah argagixisada, laakiin kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa si weyn ugu canbaareeyey tacadiyo kala duwan ee xukuumaddiisu ay geysato, oo ay ku jiraan xannibaadda warbaahinta madaxa bannaan.
Mr. Meles wuxuu ku dhashay magaalada Adwa 1955, wuxuu wax ka bartay jaamacadda Addis Ababa muddo labo sanno ah ka hor inuu aanu ku biirin jabhadda TPLF oo ka mid ahayd dhowr urur oo dagaal la galay xukuumaddii Mengistu Hailemariam.
Meles ayaa markii uu xukunka qabtay 1991, wuxuu soo noqday madaxweynaha dalkaasi muddo 4 sanno ah ka hor intii aanu qaban jagada ra'iisul-wasaaraha ee sannadkii 1995.

XS
SM
MD
LG