Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zenawi: Ciidamo uma Direyno Somalia


Zenawi: Ciidamo uma Direyno Somalia
Zenawi: Ciidamo uma Direyno Somalia

Mr. Zenawi waxa uu sheegey in ciidamadooda ay gali doonaan Somalia marka halis la galiyo ciidamada AMISOM oo ay baxayaan

Ra’iisul wasaaraha Ithiopia Meles Zenawi ayaa waxa waxa uu sheegey in ciidmaadiisa aysan ku laabaneynin Somalia xataa hadii la Qatar Galiyo Dowladda Somalia.

Mr. Zanawi oo saxafiyiinta kula hadlaayey magaalada Addis Ababa ayaa sheegey in sababta kaliya ee ay ciidamada Ithiopia ugu noqon karaan Somali ay tahay AMISOM oo Qatar gasha isla markaana dooneysana in ay dalka Somaliya isaga baxdo isagoo sheegey in markaas haddii ay gacan weydiistaan ay Ithiopia diyaar ula tahay in ay ciidamo u dirto si ay u samata bixiyaan nabad ilaaliyayaashaas.

Hadalka Zenawi waxa uu meesha ka saarayaa tuhun ay dad badan ka qabeen in ay Ithiopia ay ciidamo usoo diri doonto Somalia si ay gacan uga geystaan nabad dhalinta Somalia.

Ithiopia waxa ay Somalia Galeen ciidamadeeda sanadkii 2006da dhaamaadkiisii iyagoo laba sano ka dibna ka baxay sanadkii 2008da.

XS
SM
MD
LG