Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zambia oo Qaaday Koobka Africa Cup


Zambia oo Qaaday Koobka Africa Cup
Zambia oo Qaaday Koobka Africa Cup

Xulka Qaran ee dalka Zambia ayaa ku guuleystay koobka ciyaaraha qaramada dalalka Qaarada Afrika oo caawa lagu soo gaba-gabeeyey dalka Gabon.

Xulka Zambia ayaa ciyaartii final-ka rigoorayaal 8-7 uga badiyey xulka dalka Ivory Coast, ciyaartaasina waxay ka dhacday garoonka Stade de l’Amitie ee magaalada Libreville.

Ciyaarta Final-ka ayaa ku dhamaatay 0-0 ama (bar-bar dhac), inkasta oo ciyaaryahanka Drogba ee xulka Ivory Coast uu rigoore loo dhigay daqiiqaddii 69-aad ku guuldareystay inuu dhaliyo.

Guushan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay ee Xulka Zambia ay ku guuleystaan koobka ciyaaraha qaramada Afrika.

Xulka dalka Mali ayaa kaalinta saddexaad galay, kaddib markii uu Ghana 2-0 uga adkaatay.

XS
SM
MD
LG