Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yurub oo diidday Xayiraadii Dekadaha Somalia


Yurub oo diidday Xayiraadii Dekadaha Somalia
Yurub oo diidday Xayiraadii Dekadaha Somalia

Midowga Yurub ayaa diiday in ciidankiisa badda ay fuliyaan xayiraad ka dhan ah dekedaha ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Somalia.

Kulan uu xarunta Brussels shalay ku yeeshay Golaha Siyaasadda & Ammaanka ee Midowga Yurub, ayuu ku diiday hindise ay soo bandhigtay Spain, kaas oo ahaa in maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub, ee hadda ka qeyb qaadanaya howlgalka Atalanta ee ka dhanka ah burcad-badeedda, in isla maraakiibtaas ay is-hortaagaan in maraakiibta & doonyaha kusii jeeda dekedaha ay haysato kooxda al-Shabaab, iyo kuwa lagu yaqaanno burcad-badeedda.

Midowga Yurub ayaa sheegay in howlgal noocaas ah uu yahay mid aan farsamo ahaan suurta-gal aheyn, sababo la xiriira dekedaha ay isticmaalaan mucaaradka Somalia, iyo waliba burcad-badeedda, kuwaas oo tiro ahaan gaari kara illaa 70.

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in howlgal noocaas ah uu yahay mid u baahan maraakiib dagaal iyo ciidan aad uga baaxad weyn kuwa imminka ka qeyb galaya howlgalka ka dhanka ah burcad-badeedda.

XS
SM
MD
LG