Isku xirrada

War

Dhalinyarada & Dagaallada - Waalidnimada


Canada

Canada

"Sacdiyo" waa gabar dhalinyaro ah oo waalidna ah. Sannadkii 2007 ayey noqotay waalid keligeed ah oo korisa laba carruur ah oo ay dhashay kadib markii sayigeedda lagu dilay magaalada Edmonton ee dalka Kanada.

Soomaalida ku nool waddamada qurbaha waxaa ku jira waalidiin badan oo keli ku ah korinta carruurtooda. Qaar badan oo waalidiinta keligood ah waa dhalinyaro. Haddaba dhalinyarada keligood koriya carruurta waxaa ka mid ah gabadh magaceeda aanu ku soo koobnay "Sacdiyo" oo ku nool gobolka Alberta ee dalka Kanada.

Sannadkii 2007 ayey xaaladdeeda qoys ahaaneed ay wax weyn iska beddeleen kadib markii goob xaflad ah oo aroos ka socday lagu dilay sayigeeda.

Scadiyo waxay marti noogu tahay barnaamijka Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada ee toddobaadkan.

Barnaamijkan oo buuxa waxaad ka dhagaysan kartaa midigta sare.

XS
SM
MD
LG