Isku xirrada

War

Dhalinyarada & Dagaallada - Minnesota


Dhalinyarada Minnesota

Dhalinyarada Minnesota

Barnaamijka Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya taxanaha 8-aad ee toddobaadkan waxa uu toddobaadkan ka imanayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minesota.

Dhibaatooyin badan ayaa sannadihii ugu dambeeyey soo foodsaaray dhalinyarada Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minesota ee dalkan Maraykanka.

Kuwo badan oo ka mid ah ayaa ku biiray ciyaala-suuq ama noqday dibjiriin, qaar kalena waxay galeen fal-dambiyeedyo ay ka mid yihiin dilal si weyn ay warbaahinta Maraykanku uga hadashay.

Waxaa kaloo warbaahinta Maraykanku ay aad uga hadleen dhalinyarada dib ugu noqotay Soomaalida si ay uga qaybgalana dagaallada sokeeye.

Haddaba maxaa ugu wacan dhalinyarada inay soo jiidato dibjirnimada ama inay ku biiraan dagaallada Soomaaliya? Waa mowduuca Barnaamijkeenna Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada Soomaaliya oo toddobaadkan ka imanaya magaalada Minneapolis.

Waxaana ka qaybgalaya Nuur Sheekh Ismaaciil, Raxmo Cabdi, Faa’isa Cabbaas Maxamuud iyo Faqrudiin Sheekh oo ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Mineapolis.

Doodda waxaa dhexdhexaadinaya weriyahayaga gobolka Minnesota Saciid Yuusf Sheekh Cabdi. Barnaamijkuna waxa uu ku bilaabanayaa Nuur Sheekh Ismaaciil oo ka jawaabaya waxa dhalinyarada ku kallifay inay ku biiraan ciyaala-suuqa:

XS
SM
MD
LG