Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: Qarax Dilay Tiro ka Badan 90 Askari


Qaraxan ayaa ka dhashay markii magaalada Sanca qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey meel ciidanka dawladdu uu ku tababaranayey.Tababarkan uu ciidanku sameynayey ayaa waxa uu horudhac u ahaa dabbaaldeg maalinta berrito ah loo sameyn lahaa maalintii Midowga labada Yemenood.

Wararku waxay sheegayaan in goobta uu qaraxu ka dhacay uu joogay Wasiirka Gaashaandhiga iyo madax kale oo ciidanka Yemen ka tirsan.

Wareysiyo arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG