Ma aha markii ugu horreysay ee maxkamad ku taalla Yemen ay xukunno ku rido burcad-badeed Soomaali ah. Bishi May ee sannadkii hore 2010, maxkamad ku taala magaalada Sanca ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku xukuntay 6 burcad-badeed Soomaali ah kuwaasoo lagu helay inay qabsadeen markab saliid oo Yementu leedahay isla markaana dileen laba shaqaale ah bishii April ee 2009-kii.

Magaalada Cadan sidoo kale 10 burcad-badeed Soomaali ah ayaa 10 sanno oo xadhig ah lagu xukumay kaddib afduub ay isku dayeen inay u geystaan markab xamuul biyaha dalka Yemen.