Isku xirrada

Yemen: 45 qof oo Ku Dhintay Weerar Ismiidaamin ah


Mas’uuliyiin ayaa sheegay in weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada ku taalla Koonfurta dalka Yemen ee Cadan ay ku dhinteen ugu yaraab 45 qof, islamarkaana tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha waxa ay sheegeen in qofka ismiidaamiyey uu baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey ku dhuftay dhisme ay adeegsadaan ciidamada dowladda taageersan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii maanta dhacay.

Dalka Yemen ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya dowladda beesha caalamka ay aqoonsan tahay ee madaxweyne Abdu Rabu Mansour Hadi, oo taageero ka helaya isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo iyo maleeshiyada Iran ay taageerto ee Xuutiyiinta.

QM ayaa sheegtay in in ka badan 6,500 oo ugu yaraan bar ka mid ah yihiin shacab ay dagaaladaas ku dhinteen illaa iminka.

XS
SM
MD
LG