Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuska 11-ka September iyo Xarunta Islaamiga ee New York


Xuska 11-ka September iyo Xarunta Islaamiga ee New York
Xuska 11-ka September iyo Xarunta Islaamiga ee New York

Xuska sanadkan ee 9/11 waxa ay ku soo beegantay iyadoo xiisad culus ay ka taagan tahay dhismaha xarun Islaami ah meel ku dhow Grand Zero.

Xuska loo sameeyay 11-kii September oo ah maalintii weerarka diyaaradaha loo adeegsaday ay dalkan Maraykanka ka dhaceen ayaa sanadkan waxa ay ku soo beegantay labo arrimood. Waxaana ka mid ah doodda culus ee ka taagan qorshe xarun Islaami ah looga dhisayo meel ku dhow halkii ay ku burbureen daarihii mataanaha ahaa ee magaalada New York iyo ciidda Muslimiinta ee Ciidul-Fitir.

Imaamka ka dambeeya qorsha lagu dhisayo xaruntaasi Islaamiga ah ayaa sheegay inuu ka xun yahay in muran uu ka dhasho qorshahaasi, wuxuuna sheegay inuusan keeni lahayn mashruucaasi haddii uu ogaan lahaa in ay dhalineyso cadaawad.

Imaam Faysal Cabdul-Ra'uuf ayaa sheegay in ujeedadiisu ay ahayd mid nabadeed, balse aysan ahayn sawirka iminka la muujinayo.

Haddaba dooddan ka taagan xaruntaasi Islaamiga waxay ku soo beegantay bisha September oo sanad walba Maraykanku ay xusaan weerarkii 11-kii September 2001-dii markaasoo American badan ay ku dhinteen weeraro loo adeegsaday diyaarado oo ka dhacay New York, Washington iyo diyaarad lagu burburiyay Pannesylvania.

Haddaba maxaa lagu sifeyn karaa wakhtiyadan isku soo beegmay, maxayse tahay sababta cirka ku shareertay xiisadda xarunta Islaamiga ee laga dhisayo magaalada New York. Waxay VOA-du ay arrintaasi wax ka weydiisay Abuukaate Cali Maxamuud Cali oo degan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota aadna ula socda xaaladaha hadda taagan.

XS
SM
MD
LG