Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukuumadda Somalia Baarlamaanka ma la Horgeyn karaa


Xukuumadda Somalia Baarlamaanka ma la Horgeyn karaa
Xukuumadda Somalia Baarlamaanka ma la Horgeyn karaa

Dr. Cumar Abdulle Calasow ayaa sheegay in qaanuun ahaan xukuumadda codka kalsoonida loo qaadi karo laakiin ka dayriyey waxtarka dawladda

Dr. Cumar Cabdulle Calasow oo ah khabiir dhinaca sharciyada caalamiga ah ayaa sheegay in qaanuun ahaan ayna khalad aheyn talaabada baarlamaanka Somalia uu ku doonayo in xukuumadda Ra'iisal wasaare Sharmarke codka kalsoonida loogu qaado iyadoo waliba ay waddanka ka maqan yihiin Ra'iisal wasaaraha iyo Afhayeenka baarlamaankuba. Dr. Calasow ayaa arrintaas sabab uga dhigay in labadii ku sime ay joogaan.

Dhinaca kale, Dr. Calasow ayaa shaki badan ka muujiyey niyad samida xubnaha dawladda oo uu ku tilmaamay in markii horeba ayna hab xalaal ah ku imanin. Waxa uu isweydiiyey in kooramka la buuxin karo iyo in kale. Waxa kale uu tilmaamay in habka cod-u-qaadidu uuna ka marnaaneynin kala jiidasho xubnaha baarlamaanka ah taasoo ay ku lug yeelan doonaan madaxda sar-sare ee dawladda, arrintaas, oo sida uu sheegay, ka hor imanaysa mabaadi'ida aas-aasiga ah ku dhaqanka dastuurka.

Warka oo dhameys tiran hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG