Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukuumadda oo la amray inay kalsooni dalbato


Xukuumadda oo la amray inay kalsooni dalbato
Xukuumadda oo la amray inay kalsooni dalbato

Xildhibaanno gaaraya 296 ayaa maanta u coddeeyay in xukuumadda Sharma'arke ay maalmo yar gudahood ku hor-timaado baarlamaanka Somalia.

Kullan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaannada Somalia ayaa waxaa cod u qaadeen in xukuumadda raisal-wasaare Sharma'arke ay kalsooni weydiisato baarlamaanka Somalia maalmo kooban gudahood.

Coddeyntan ayaa waxaa taageerray 296 xildhibaanno oo dalbaday in xukuumaddu ay sida ugu dhaqsiyaha badan u hor-timaado baarlamaanka, waxayna sheegeen in haddii ay taasi dhici waysana ay xukuumaddu jabinayso mid ka mid ah qodobbada axdiga KMG.

Kullankan maanta ayaa dhacay iyadoo sidoo kalena uu maanta Muqdisho soo gaadhay guddoomiyaha baarlamaanka KMG Shariif Xassan Sh. Adan oo aan wali la ogeyn fikirkiisa ku aadan khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Shariif iyo Raisal-wasaare Sharma'arke.

XS
SM
MD
LG