Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukuumadda iyo Muddo Kordhinta Baarlamaanka


Xukuumadda iyo Muddo Kordhinta Baarlamaanka
Xukuumadda iyo Muddo Kordhinta Baarlamaanka

Golaha Wasiirrada KMG ee Somalia ayaa sheegay in muddo kordhinta baarlamaanka Somalia ay u taallo shacabka Soomaaliyeed

Dowladda KMG ee Somalia ayaa maanta markii ugu horreysay ka hadashay go’aanka muddo kordhinta 3-da sano ee uu dhawaan kororsaday baarlamaanka KMG ah ee Somalia.

War-saxaafadeed laga soo saaray Shir aan caaddi ahayn oo ay maanta isugu yimaaddeen golaha wasiirrada ee xukuumadda KMG ee Somalia ayaa lagu sheegay in golaha wasiirradu ay tixgalinayaan wel-welka beesha caalamka ka haysta go’aanka halka dhinac ah ee muddo kordhinta baarlamaanka KMG ee Somalia iyo fashil kale oo ku yimaada hay’addaha dastuuriga ah.

War-saxaafadeedkaasi ayaa sidoo lagu sheegay in golaha wasiirrada ee Somalia ay soo dhaweeyeen shirarka iyo tallo ku soo biirinta ka imanaysa beesha caalamka, wuxuuna goluhu qiray in go’aanka kama danbeysta ah ee ku aadan muddo kordhinta baarlamaanka ay iska leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Golaha wasiirradu waxay kaloo go’aansadeen inay sii wadaan doorkooda muhiimka ah iyagoo wadatashi balaaranna la yeelanaya hay’addaha dowliga ah iyo qeybaha bulshada si looga fogaado in dalku meel cidla ah ku dhaco.

XS
SM
MD
LG