Isku xirrada

War Deg-Deg ah

XKMG: Dib Haloo Dhigo Doorashada


XKMG: Dib Haloo Dhigo Doorashada
XKMG: Dib Haloo Dhigo Doorashada

Xukuumadda KMG ayaa sheegtay in xaaladda Somalia ay ku jirto waqtigan aan doorasho la qaban kari, dibna loo dhigo ilaa muddo sannad ah.

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirradda ee DKMG ayaa goluhu u ku go'aamiyay inaan waqtigan doroasho ka dhici karin dalka.

Goluhu wuxuu go'aamiyay in muddo hal sano ah ilaa iyo August 2012 dib loo dhigo doorashada.

Goluhu wuxuu kaloo sheegay in xukuumadda Somalia ay sii wado wadatashiyada ay la bilowday baarlamaanka ee ku aadan qorshayaasha xukuumaddu u diyaarinayso dhameystirska howlaha qabyada ah ee uu Axdiga FKMG ah uu farayo in xukuumaddu ay fuliso.

Golahu waxuu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay taageero buuxda ay siiyaan meelmarinta iyo hirgelinta go’aankan xukuumadda KMG ah ee Somalia.

XS
SM
MD
LG