Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukuumadda oo La Isku Shaandheeyey


Xukuumadda oo La Isku Shaandheeyey
Xukuumadda oo La Isku Shaandheeyey

Xukuumadda KMG ah ee Somalia ayaa isku shaandheyn muddo dheer la sugayay lagu sameeyey, inkastoo aan la dhimin tirada 39-ka aheyd ee ay tiradu awalba aheyd.

Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, Cumar C/rashid Cali Sharma'arke, ayaa ku dhawaaqay isku shaandheyn muddo dheer la sugayay ku sameeyey golihiisa wasiirrada, isagoo wasiirka arrimaha dibadda u magacaabay Yuusuf Dheeg, oo ah siyaasi ruug caddaa ah, horena jagadaas usoo qabtay, halka uu wasiirka maaliyadda u magacaabay Xuseen Xalane, oo muddo dheer ahaa sarkaal sare oo kasoo shaqeeyey hey'ado caalami ah.

Sidoo kale, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Sheikh Aaden Madoobe, ayaa loo magacaabay ra'iisul wasaare ku xigeen, iyo wasiirka dekedaha, jagadaas oo aheyd mid loo ballan qaaday, markii uu iska casilay guddoomiyanimada baarlamaanka Somalia.

Waxaa golaha wasiirrada kusoo laabtay Axmed C/Salaam Aden iyo Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow, oo iyagu wasiirro iyo gacanyaro yaal u ahaa ra'iisul wasaarihii hore, Nuur Xasan Xuseen, Nur Cadde.

Axmed ayaa loo magacaabay wasiirka amniga, halka Mustaf-na loo magacaabay wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Labaduba waa siyaasiyiin xukuumadda kusoo galay magaca Ahlu-Sunna Wal-Jamaacah, oo ah urur-diimeed ay dowladdu kula heshiisay inay jagooyin siiso.

Laakiin Ahlu-Sunna ayaa gaashaanka u daruuray in siyaasiyiintani ay dariiqooyinka Suufiyada ka tirsan yihiin.

Wasiirk arrimaha gudaha, Sheikh C/qadir Cali Cumar, ayaa jagadiisa loo daayay. Wadaadka ayaa ah nin aad isugu dhow yihiin madaxweyne Sharif, wuxuuna ahaa hoggaamiyihii malleeshiyadii la dirirsaneyd joogitaankii Ethiopia.

Wasiirka gaashaandhigga waxaa loo magacaabay Abuukar Cabdi Cismaan, oo Mardaadi loo yaqaanno. Mardaadi wuxuu hore xubin uga soo noqday golihii wasiirrada.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Cali Jaamac Jengali, ayaa loo wareejiyey Hidaha iyo Tacliinta Sare, iyadoo Max'ed Ibraahim Xaabsade, Madoobe Nunow, Cabdi Qeybdiid-na loo daayay jagooyinkii ay hayeen.

Waxaa xusid mudan inuu xilkiisii waayay Daahir Maxamuud Geelle, oo ahaa wasiirkii warfaafinta, laguna ammaano dib usoo nooleynta Radio Muqdisho. Jagadaas waxaa loo dhiibay Eng. C/raxman Yariisow, oo ahaa wasiirka lacagta, iyadoo wasaaradda lacagtana lagu aaminay C/llahi Sanbalooshe, oo ahaa wasiirkii amniga.

Inkastoo masuuliyiinta dowladda ay marar badan ballan qaadeen inay xukuumad tiro yar oo tayo badan soo dhisi doonaan, haddana waxaa muuqaneysa in qancinta beeluhu ay ka muhiimsanaatay yareynta tirada iyo tayaynta golaha wasiirrada.

XS
SM
MD
LG